30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Beledweyne: Afrax oo mucaarad cusub ku kicinaya dowladda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan kulamo lagu carqaladeynaayo shirka heerka gabagabo ah ee ka socda magaalada Jowhar.

Shirka ka socda magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu xoojinayaa sida Ergada Hiiraan kaga sugan Jowhar looga soo saari lahaa shirka waxaana qorshahaasi wada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Afrax ayaa Odayaasha ku baraarujinaaya in Guusha Gobolka Hiiraan ay tahay mid ku jirta Fashilinta shirka Jowhar ka socda.

Afrax ayaa sidoo kale Odayaasha Hiiraan u ballanqaaday in Madaxda ugu sareysa Dalka uu hoos keeni doono, waa haddii ay qaatan qorshooyinkiisa.
xasan-afrax

Sidoo kale, Afrax ayaa Odayaasha Hiiraan ee kasoo horjeeda shirka Jowhar kusoo daray Odayaal kale oo la sheegay inay kasoo jeedan Beelo aan laga qeybgalin shirarka socda, si ay u kororto tirada Odayaasha.

Maamulka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa walaac ka muujiyay Kacdoomka uu C/fitaax Afrax ku kicinaayo Odayaasha Hiiraan.

Geesta kale, Odayaasha Hiiraan ee ku feelay C/fitaax Afrax ayaa si cad u diiday in arrimahaani ay kala hadlaan maamulka iyo Saraakiisha AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News