30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sawirro: Bilicda waddooyinka Moqdisho oo dib loo dayac tiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxdaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta waxa uu xarigga ka jiray laba wadda oo muhim u ah dadka dagan magaalada Caasimadda ee Moqdisho.

Labadani wadda ayaa waxa ay kala yihiin wadada isku xerta Sayidka ilaa iyo isgooyska dagmada Howl-wadaag ,  iyo wadda loo yaqaan dan-wadaagaha  ee isku xerta Isgooysaka Soobe ilaa iyo isgooyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka wada isku xerta Saiyidka ilaa Iyo isgooyska Howl-wadaag, ayaa  u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha wadaaasi asiga oo sheegay in ay arintaasi muujineysa sida ay dadka diyaar ugu yihiin  in ay wax u qabsadaan.

4Q2A7794

Gudoomiya dagmada Howl-wadaag Ciise Maxamuud Guure oo isna goobta ka hadlay ayaa  sheegay in dhismaha wadadani ay ku baxday lacag dhan Afar boqol iyo kontan kun oo doolarka mareekanka ah ( $450)  taasi oo ay bixiyeen ganacsatada qaybaheeda kal duwan , bahda warxbarashada  iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ku dhaqan ama ganacsiga ku leh degmada Howl-wadaag.

IMG_1222

Dhismaha wadadani iyo midda Dan-wadaagaha ee dagmada Wadajir ayaa waxa ay noqonayaan wadooyinkii ugu horeeyay ee loo dhisa si iskaa wax u qabsa ah .

Waxaa xusid mudan in dhismaha wadada isku xerta Sayidka ilaa isgooyska Howla-wadaag uu bilaawday 17 bishii labaad ee sanadkaan asiga oo dhamaaday 23 bishii seddaxaad ee isla sanadkaan.

4Q2A7687

4Q2A7743

IMG_1196

IMG_1217

 

- Advertisement -

Read more

Local News