Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal gacan ka hadal ah ayaa waxa uu ka dhex dhacay Xero qaxooti oo ku taalla Jesiiradda Qubrus kaa oo ay ku dhaawacmeen tirro qaxooti Soomaali ah.
Xerada uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa The Kofinou reception Center, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka uu ahaa mid u dhexeeyay Qaxooti Soomaali ah iyo kuwo kale oo Carab ah kana mid ahaa dadka ku jira xerada.
Dagaalka ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray ku dhawaad 8 ruux oo ay ku jiraan Soomaali.
Dagaalka ayaa ka dhashay is maan-dhaaf dhex maray Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Carabta ah, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska Jesiiradda Qubrus.
Dhinaca Qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray 4 haween, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray 4 kale oo kasoo jeeda Dalka Syria.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

