Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulankii uu madaxweynaha Soomaaliya shalay xarunta Xalane kula yeeshay wakiilada beesha caalamka looga hadlay sidii waqtiga loogu kordhin lahaa dowladda Soomaaliya.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha uu kulankaas ku dalbaday in muddo lix bilood ah dowladda loogu daro, si ay u hirgeliso dhismaha baarlamanka cusub iyo doorashooyin dalka ka dhaca.
Xasan ayaa ku andacooday in waqtiga uu sii dhammaanayo islamarkaana baarlamanka aysan weli ansixin qodobadii ay ku heshiiyeen xubnaha madasha, ayada oo sidoo kalena caqabado ay ka taagan yihiin dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Xubnaha beesha caalamka ayaa ku gacan seeray dalabka Xasan, waxaase wararku ay sheegayaan inay usoo bandhigeen inuu ku darsado saddex bilood oo dheeri ah, islamarkaana howlaha dhiman iyo dhismaha dowladda cusub lasoo dhameeyo kahor bisha December, halka markii hore ay ahayd ka hor bisha September.
Madaxweynaha ayaa xubnihii beesha caalamka u sheegay in saddex bilood aysan ku filneyn, waxaana uu shirka kasoo tagay asaga oo carreysan, sida xogta ay sheegeyso.
Xubno shirka goob joog u ahaa oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu beesha caalamka u sheegay inuu lix bilood oo qasab ku darsanayo, kadibna kasoo tagay.
Illaa iyo hadda ma cadda sida arrinta ku dambeyn doonto, waxaase la filayaa in kulamo kale ay isugu soo laabtaan labada dhinac.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

