Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dib u eegista hanaanka doorasho oo ka kooban 25 xubno oo ka tirsan BF, ayaa aad u dhaliilay qaabka hanaanka doorasho ay u marayaan Madaxweynaha dalka, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.
Guddiga oo kulan gaar ah la qaatay Xassan Sheekh, Sharmaarke iyo Jawaari ayaa sheegay in meelaha qaar ay ku saxan yihiin Madaxda. halka qaarna ay ku khilaafsan yihiin aragti ahaan.
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo kamid ah xubnaha Gudigaaasi ee horfadhiistay 3 mas’uul ayaa sheegay in rajadu ay tahay mid wacan balse ay jiraan waxyaabo aan wali u cuntamin oo ay ku kala aragti duwan yihiin madaxda.
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac waxa uu sheegay in sharci ahaan Gobolka Banaadir iyo dadka dega ay xaq u leeyihiin in xubno ay ku yeesho aqalka sare baarlamanka.
Xildhibaan Cabdullaahi waxa uu tilmaamay in qodobka 72 ee dastuurka uu sheegaayo nidaamka aqalka sare. waxa uu sheegay in leyska indha-tiraayo xuquuqda Gobolka balse aan waxba soconkarin iyadoo Gobolka Banaadir lagu biirin Gobollada xaqa u yeelanaaya aqalka sare baarlamanka.
Waxa uu sheegay in xildhibaanada ay u qeybiyeen 17 Gobol, islamarkaana laga tagay Gobolka Banaadir, balse Dastuurka.
Xildhibaanka waxa uu arrin lamaqaatan ku sheegay in Canshuurta iyo dhaqaalaha lagu dhisaayo Dalka laga soo saaro Gobolka Banaadir, hadana lagu sameeyo dadka ku nool Gobolka xaqiraad, waxa uuna ku baaqay in Gobolka Banaadir aqalka Sare wax laga siiyo.
Dhanka kale waxa uu cadeeyay in Madaxda ugu sareysa Dalka iyo Guddiga dib u eegista hanaanka doorasho ay 99% yihiin kuwo isku fakir ah, balse qodobka khilaafka abuuraayo uu yahay qaabka Gobolka Banaadir loogu biirin lahaa Maamulada aqalka Sare ee dalka ka dhexmuuqan doona.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/05/bbb19f31-a3e2-430b-a2ee-b0b88912e55a.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

