28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Puntland: Dulqaadkii Somaliland waa naga dhamaaday markan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo la hadlayay TV-ga Puntland, ayaa ka warbixiyay shaqaaqo shalay ka dhacday magalada Laascaano xarunta gobolka Sool, taasi oo la sheegay in lagu laayay dad shacab ah.

Soocadde, ayaa tilmaamay in arrintaasi ka xunyihiin islamarkaana aysan u dul-qaadan karin dhibaatada lagu hayo shacabka gobolkaasi, isagoo eedayn usoo jeediyay maamulka Somaliland oo ku dhaliilay inay tacadiyo aan xad lahay kula kaco shacab ka shaqaynaya hormarka degaankooda.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan Puntland dulqaadkii ka dhammaaday islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan, isagoo carrabka ku dhuftay inay kasoo dhammaatay dulqaad muddo dheer oo gobolka xaaladdiisa ku saabsanayd.

Wasiirka ayaa beesha caalamka u sheegay in tallaabadaasi wixii kasoo baxa mas’uuliyadeeda qaadan doonto maamulka Somaliland, isagoo shacabka deegaanka ugu baaqay inay u istaagaan difaaca ciidooda islamarkaana ka fogaadaan waxyaabaha kala qaybinaya iyo mabaadi’da ay kala aaminsanyihiin.

Rabshaddan ayaa ka dhalatay xuska 18 May, 25 sano guuradii kasoo wareegtay gooni goosadka Somaliland, waxaana magalada Laascaano isugu soo baxay labo garab oo qayb taageersantahay iyo kuwo kasoo horjeeda, taasi oo markii dambe isu badashay in ciidamo soo galaan islamarkaana rasaas ku furaan shacabkii diidanaa xuska Somaliland.

Dhawr qof ayaa dhaawacyo soo gaareen qof kale waxaa la sheegay inuu dhintay.

Arrintan, ayaa kusoo aadaysa xilli gobolka Sool ka taagnaa muran ku salaysan lahaansha labada maamulka [Puntland iyo Somaliland], waxaana gobolka Sool qaybo kamid ah gacanta ku hayay maamulka Somalilnad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News