Qahira (Caasimada Online)-Waxaa wali socda baaritaanka lagu baadi-goobayo diyaaradii laga lahaa dalka Masar ee la sheegay inay ku dhacday Badda.
Dowlada Masar ayaa howlgalisay Maraakiib iyo Diyaarado Helicobter ah kuwaasi oo baadi goobaaya burburka Diyaarada si Dowlada iyo Ehelada dadkii la socday diyaarada ay ugu quustaan burburkaasi.
Telefashinka Dowlada Masar, ayaa sheegay in Ciidamada Badda ay heleen burbur yar oo muujinaaya inay tahay Diyaarada Masar.
Burburkaasi ayaa waxaa laga helay biyaha ka baxsan magaalada Alexandria gaar ahaan dhinaca waqooyi, waxaana lasoo sheegayaa in wali la la’ yahay qeybihii kale ee diyaarada.
Ciidamada Masar waxa ay sheegen iney helen qashinka diyaarada iyo waxyaabo loo maleynayo iney leeyihiin dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa.
Ciidamada cirka iyo kuwa badda ayaa ka qeyb qaatay howlgalka lagu helay burburka diyaaradasi oo luntay shalay oo Khamiis ahayd iyada oo wada 66 qof sida AP ay sheegeyso.
Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada kuwii saarnaa diyaarada burburtay.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA



















