30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog cusub: Maxay xildhibaanada u ansixin la’yihiin heshiiskii 2016

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Maxamed Cabdulaahi Fadhaye oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha xildhibaanada baarlamaanka u ansixin la’yihiin hishiiskii madasha wadatashiga qaran oo uu sheegay inuu yahay mid muhiim u ah ummada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada iyo dowlada Soomaaliya ay ujeedo gaar ah ka leeyihiin ansixin la’aanta hishiiskii laga gaaray nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya bisha agoosto ee sanadkaan.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in la meermeeriyaa ansixinta hishiiska, isagoo sheegay in xildhibaanada gaar ay dano gaar ah wataan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaha kale xildhibaanka ayaa la hadlay in xaqa gobolka Banaadir lagu lumiyay u doodida nidaamka 4.5 ee lagu soo dhisayo dowlada badalaya midda haatan dalka ka jirta, taasina ay ku dhacday in la tixgeliyaa danaha shaqsiyaad gaar ah leyihiin.

Koox xildhibaano ah oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan in meesha guud ahaan laga saaro Aqalka Sarre ee dawladda Faderaalka, kaas oo horey loogu heshiiyey in la dadajiyo dhismihiisa.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/05/fadhaye.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News