Laascaano (Caasimada Online)- Xildhibaan C/Shukri Yuusuf Cabdi iyo Xildhiban Yaasiin Axmed Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Khaatumo ayaa si adag kaga hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Lascaano ee gobolka Sool.
Xildhibaan C/Shukri ayaa sheegay in dadkii lagu waxyeeleeyay magaalada Laascaano ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay iney ka xumaadeen waxyeeladii loo geystay 18 May.
Wuxuu sheegay in dadka kasoo jeeda deegaanada Khaatuma ay difaacayaan deegaanadooda oo ay iska dhicinayaan Somaliland, sida uu sheegayna wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland.
Dhinaca kale Xildhibaan Yaasiin Axmed ayaa shaaciyay in mar uun maxkamad la tiigsan doonaan dadkii ka dambeeyay xasuuqa shacabka ku sugan degmada Laascaano ee gobolka Sool.
Hoos ka daawo wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Sool
[email protected]

