29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Beesha caalamka oo madax isku gelineysa Hawiye iyo Daarood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha caalamka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, ayaa ku dhiiranaaya in qaabab khaldan ay u hagaan Siyaasadda Somalia.

Wakiilada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay isu duleynayaan Beelaha Soomaaliyeed islamarkaana ay Siyaasada dalka marba dhinac gacanta u galinayaan beelo gaar ah.

Waxa ay iminka wakiiladu ku dhiiranayaan in colaad aan joogsi laheyn ay ka dhex abuuraan Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Hawiye iyo Daarood oo colaadihii ka dhextaagnaa sanadihii tagay la dabiibay.

Wakiilada oo iminka ka duulaaya Siyaasadaha Dowlada ethiopia ay ka leedahay Somalia, ayaa adeegsanaaya Beesha Daarood si Siyaasada loogu gacan galiyo.

Wakiiladu waxa ay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas u ballanqaaden in 10-ka sono ee soo socta Puntland ay hagi doonto Siyaasadda Somalia, islamarkaana siyaasada laga nasin doono Beelaha Hawiye.

Shirka Ballanqaadkaani loogu sameeyay C/wali Gaas ayaa waxa uu ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Taariikhdu marka ay aheyd May 22, 2016.

Wakiiladu oo u kala hiilinaaya Beelaha Soomaaliyeed ayay Madaxweyne Xassan Sheekh ku amreen inuu ka wareejiyo Baarlamaanka go’aan ka gaarista Doorashada, si Xildhibaanada aysan ugu tiigsan rabitaanka maamul Goboleedyada dalka.

Tani waxa ay muujineysaa in Beesha Caalamka ay Beelaha Hawiye culeys ku saarayaan dhanka Siyaasadda si aan looga dheereen Beelaha kale oo ay koow ka tahay Beesha Daarood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News