28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa ku qornaa warqadaha lagu daadiyay magaalada Muqdisho ?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad looga hadal hayaa degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir oo lagu daadiyay warqado lagu muujinayo maqnaanshaha xaqa gobolka Banaadir ku leeyahay aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

Warqadaha ayaa waxaa lagu qoray erayo lagu muujinaya sida dowlada Soomaaliya aysan wax mudnaan ah u siinin inka badan 3 malyan oo ruux oo ku nool magaalada Muqdisho iyo sida mudnaanta loo siiyay deegaano kumanaan dad ah ku nool yihiin.

Waxyaabaha warqaadaha lagu daadiyay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood waxaa kamid ah “Seddex Milyan Mudnaan u diidnay, madaxweyne meel mari arinkaas” iyo erayo kale oo lagu muujinayay sida xaqa loo duudsiiyay gobolka Banaadir.

Sidoo kale warqadaha waxaa lagu cadeeyay in magaalada Muqdisho oo xaqeeda uu ka maqan yahay aqalka sare ee baarlamaanka ay tahay hoyga doorashada qaranka Soomaaliya ay ka dhaceyso, iyadoo aan la ogeyn sida ay isku ilowsiiyeen madaxda Soomaaliya.

Siyaasiyiin badan ayaa horey usoo jeediyay in arintaani wax laga qabtaa balse ma aysan dhicin oo madaxweyne Xasan Sheikh ayaa awood madaxweyne ku ansixiyay hishiiskii dhigayay in Muqdisho aqalka sare xubno aysan ku yeelan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News