28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Keating: Hal arrin oo kaliya ayey niyaddu iigu qaboobi doontaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online – Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating, ayaa shaaca ka qaaday in DFS ay iminka cagta dhigtay wadadii ay kusoo afjari laheyd howlaha horyaala.

Michael Keating, waxa uu sheegay in laga qanciyay cabsidii ay ka qabeen in doorashada dalka ay dib u dhacdo, balse waxa uu tilmaamay in wali uu jiro walwal yar, taasina ay ka dawoowi doonaan goortii ay bilaabato doorashada.

Waxa uu sheegay in walwalkii heystay xili hore uu hadda ka qafiifay, hayeeshee ay si wacan usii qanci doonaan maalinta ay dhaceyso doorashada oo xaqiiq u noqon doonta guushooda.

Keating ayaa qeexay in xeerka madaxweynuhu uu dastuuri yahay, mar haddii hay’addii sharci dajintu ay go’aan arrintaasi ka soo saari waysay.

Keating ayaa sheegay in shaqada beesha caalamku tahay in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, ciddii isku daydana inay carqaladeyso arintaasina ay la macaamili doonaan.

Xassan Sheekh ayuu kaga digay in dib u gurasho uu sameeyo, waxa uuna ugu baaqay inaanu kasoo laaban go’aankiisa.

Beesha Caalamka ayey u tahay maalin cusub waxaana ka degay cabsidii ay maalmo un ka hor qabeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News