Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii qeybta guud ee ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen. Cali Xirsi Barre ”Cali Gaab” ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu u hayay Taliska ciidamada Booliska DFS.
Cali Gaab waxa uu sheegay in iscasilaadiisa aysan la xiriirin muran iyo khilaaf kala dhexeeya laamaha amniga Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in shaqsi ahaantiisa uu maagay in xilkaasi uu isaga dego.
Cali Gaab waxa uu sheegay inaysan jirin cid uu dacwad ka qabo, balse talaabadaani ay tahay mid isaga uu go’aankeeda lahaa.
Cali Gaab ma uusan cadeynin sababta xil ka tagistiisa Shaqada Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.
Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in is casilaada Cali Gaab ay salka ku heyso is dabamarinta Hub farabadan oo lagu soo qabtay Howlgal.
Sidoo kale, is casilaadiisa ayaa waxaa lagu sheegay in Cali Gaab lagu tabaayo gaadiid aad u farabadan oo iyana lagu soo qabtay Howlgalo kuwaasi oo laga iibiyay shaqsiyaad kale.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Xaamud, ayaa la soo warinayaa in Cali Gaab uu ku amray in 24-saac gudaheeda uu xilka isaga casilo.
Sanadkii hore ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Generaal Cali Xersi Barre Cali Gaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

