Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa la dhacsan go’aankii uu qaatay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, sabab la xiriirta go’aankaasi ayaa awood badan siinaya xubnaha baarlamaanka Puntland u matalaya aqalka sare.
Xildhibaanada oo uu kamid yahay xildhibaan Cabdi Barre Jabriil ayaa si cad u sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aankii uu qaatay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay inuu yahay mid badbaado qaran keenaya.
Xildhibaanka oo la weydiiyay haddii baarlamaanka uu go’aan ka gaari waayey heshiiska horyaalay in uu magac xumo u yahay, wuxuu sheegay in baarlamaanka horrey boqol magac xumo uu yaalay isla markaana horrey u jabiyay sharci yaalay.
“Dad badan ayaa maanta ku andacoonaya madaxweynaha ayaa dastuurka jabiyay ee boqol jeer oo horrey oo u sacbin jireen isagoo dastuurka jabiyay maxay wax uga qaban waayeen” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.
Wuxuu xildhibaan Cabdi Barre uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu ku saxan yahay inuu go’aankaasi qaataa maadaama cadaadis xoogan uu ka saarnaa dhanka beesha caalamka.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in markii ugu horreysay uu taageeray go’aan uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

