Yaa mas’uul ka ah bahdilaadda iyo xaqiraadda gobolka Benaadir?

Sida laga warqabo waxaa muddooyinkaan danbe soo baxayay go’aamo lid ku ah xaqa iyo xuquuqda Gobolka Benaadir. Gobolka Benaadir wuxuu ka mid ahaa goboladii 8da ahaa ee dalku lahaa, waana xaruntii ama caasimaddii siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya, Waxaa ku nool dad ka badan saddex (3) million oo qof.  Waa dadka laga qaado canshuurta iyo lacagta soo gasha Dowladda Dhexe, lagana masruufo maamul-goboleedyada kale ee dalka.

Dastuurka qabyo-qoraalka ah wuxuu qoraa ama qeexayaa, in Gobolka Benaadir uu ka mid yahay 18ka Gobol ee dalku lahaa. Gobol kastana uu tiro simman ku yeelanayo  Aqalka Sare ee la dhisaayo.

Waxaa xusid mudan in loo bayaansho ummadda Soomaaliyeed in Shirkii Madasha wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka ah, iyo Maamul=Gobolyeedyado ee ka dhacay magaalada Muqdisho, bishii Apriil 12, 2016 lagu go’aamiyay in la dhiso Aqalka Sare (Senate Chamber) . Shirkaas waxaa lagu go’aamiyay in la xaqiro lana duudsiiyo xaqii Gobolka Benaadir ku lahaa Aqalka Sare, iyadoo dadka gobolka ku nool lagu maaweelinaayay in Muqdisho leedahay, yeelan doontana maqaam gooni  u ah (special status), si loo jahawareeriyo dadka Gobolka ku nool, lagana meel dhigay sida in ay yihiin muwaadiniin labaad (Second Class Citizens).

Arrintaan ku dhisan khiyaanada iyo danaysiga lidka ku ah Dadka Gobolka Benaadir, waxaa abaabulay Madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxwaynaha, Raisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayagoo ka lahaa dano gaar ah, iyo in ay helaan muddo kororsi kulana gorgortamay  maamulada kale, xaqii uu gobolku lahaa.

Waxaa dadka gobolku ka warqabaan sidii sadbursi ahaan loo siiyay xaqii Gobolka Benaadir ku lahaa aqalka sare  maamulo kale sida, Puntland iyo Somaali-land iyo ashkaas kale ee ku xiran Damul-jadiid iyo maamulkooda.  Madaxda qaranka waxaa lagu aaminay, una dhaarteen in ay ku hoggaamiyaan dalka cadaalad iyo sinnaan, hoggaamiyuhuna lahaado ‘leadership skills and trustworthiness’ ku dheehantahay isla-xisabtan (Accountability) iyo (Transparancy) hufnaan.

Gobolka Banaadir in laga reebo maamul goboleedyada waxaa masuuliyaddaas iska laha afkiisana ka sheegey Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana ay ahayd qorshe kale, iyo gor-gortan kale ee uu ciyaaraayay, iyo in Gobolka Benaadir uusan ku yeelan kuraas aqalka sare,si uu mar kale ugu soo noqdo kursiga oo ay kala wayntahay xaqa iyo xuquuqda ummad ka badan saddex million si uu mar kale kursiga ugu soo noqon lahaa, waa daciifnimo, danaysi iyo khiyaano inta la eg.

Markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka waayey go’aamadii madasha sida uu rabey ee ahayd muddo kororsi, waxa uu daaha gadaashiisa ka maamuley in uu abaabulo banaabaxyo qorshaysan ee dad khaas ah, (selected people) lagana keenay degmooyinka Gobolka Benaadir, iyo dhabar ka taabasho Imaamyada, oday-dhaqameedyada, Ururo Bulsho ku sheegga, si meesha looga saaro in uu dhaco kacdoon dadwayne ee ballaaran, loona maldaho, loona qariyo xadgudubkii iyo khiyaanidii lagu suubiyay shacabwaynaha Gobolka Benaadir. Dadka ku nool gobolka looma oggola bannan-bax, waana garan kartaan sida loo soo abaabulay dadka Gobolka, waxaa dowladdu u oggoshahay in ay muujiyaan shacabku shucuurtooda markii roob-doon keliya ay tahay, waxaana oran karaa waa xadgudub meel looga dhacay xuquuqdii asaasiga eheed ee dadwaynaha gobolka Benaadir.

Waxaa kaloo xusid mudan oo khiyaanadaan  ay wax ka ogaayeen kuna tilmaami karo (accomplices) madaxda Ururada Bulshada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo mas’uuliyad khaas ahi ay ka saarnayd masiirka Gobolka, iyo oday-dhaqameedyadii oo aan ka hadlin markii ugu horraysay ee Madashu Wadatashigu iyo Dowladdu iclaamiyeen in gobolka Benaadir laga saaray Aqalka Sare.

Arrintaan  xadgudubka ku ah Gobolka benaadir, waxaan u bayaanshay Umaadda Soomaaliyeed oo aan ku qoray Caasimadda online bishii Febraayo 20. 2016 maqaalkaas oo cinwaankiisu ahaa “Ma lagu tilmaami karaa dadka ku nool Gobolka Benaadir in ay yihiin Second Class Citizens”

Dadka Muqdisho weli ma suubin kacdoon dadwayne, laakiin haddii arrintu sidaan ay ku socoto, waxaa imaanaysaa in arrinta wax laga qaban waayo. Dadka Muqdisho degan iyo ganacsigooda waa umadda kaliye ee laga qaado canshuur dabadeedana ay isticmaasho dowladda dhexe, taasoo loo isticmaalo siinta mushaaraadka hey’adha doowladdda sida Sharci dajinta, fulinta iyo Garsoorka, waxaa sidoo kale laga bixiyaa howlaha la xiriira mushaaraadka ciidanka, iyo gunnooyinka joogtada ah ee maamulada kale ee dalka.

Intaas waxaa dheer, waxa ay mar walba u nugul yihiin dhibaatooyinka amni ee ka dhaca caasimadda Muqdisho. Waxa ay ku waayaan waxa dunida ugu qaalisan oo ah NAF iyo MAAL iyadoo aysan jirin cid mag dhaw uga celiso, balse ay iyagu dib uga kabsadaan dhibaatadaasi. Muqdisho waxa ay marti galisaa Barakacayaasha ugu badan ee ka yimaada Gobolada Dalka ee ka soo  cararayo Abaaraha iyo amni darida ka jirta deegaanada ay ka jiraan dhibaatadu. Waxaan oran karaa:

”Wanaagii Gobolka Benaadir waxaa loogu badalay wax xuquuq siyaasadeed ah ma lihidin masiirkaagana waa laga wakiil yahay. Waxaan xasuusanayaa maah-maahidii eheyd “KAAGA KULA LIHI KEEYGANA ANAA ISKA LEH’’

Ugu danbayn, waxaa ku bararuji lahaa dadka horboodaya dowladda Federaalka ah, khaastan Baarlamaanka Federaalka in dastuurkii qaranka la baal maray lagana dhigtay wax hadba sidii la rabo loo isticmaalo iyo in lagu fushado dano gaar ah.

Waxaa Baarlamaanka Federaalka looga fadhiyaa haddii uusan ahayn (Rubber Stamp Parliament) in ay ka dhigto go’aankaas lagu xaqiray Gobolka Benadir  mid “null and void” ah, Dowladdana waxaa looga fadhiyaa in ay sheegto waxa Muqdisho aysan ku mutaysan ee Gobolada kale ee Puntland iyo Somaliland ku mutaysteen ee loogu abaalmariyay min saddexda xubin oo kale ee aqalka sare ah, ayadoo xaqii Gobolka Benaadir gebi ahaantiisaba la duudsiiyay oo si ula kac ah loo xaqiray . Xquuqda Gobolka Benaadir ma lagu maslaxayn karo Gobolo kale ee caqligu mar labaad ha shaqeeyo, dalkana yaa loo horseedin kacdoon dadwayne ee faraha ka baxa.

Wa billaahi Towfiiq,

W/Q: Dr. Khalif M. Duale