28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xildhibaanada BF oo qorshe cusub ka billaabay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xildhibaanada BFS, ay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kawadaan abaabul dibad-baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Abaabulka dibad-baxyada ayaa waxaa dhaqaale xoogan ku bixinaaya Xildhibaano aad u farabadan, iyadoo dibad-baxyadaasi lagu qaban doono magacyada Ururada Bulshada ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaasi oo loogu tallo galay inay kiciyaan dareenka Shacabka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa ka careysan awooda uu Madaxweyne Xassan Sheekh ku meel-mariyay dhaqan geliyay Heshiiskii Madasha wadatashiga Qaran.

Xildhibaanada ayaa qaba in go’aanka uu gaaray Madaxweyne Xassan Sheekh uusan aheyn mid maskaxdiisa ah, balse ay wataan Beesha Caalamka, waxa ayna kasoo horjeedaan awooda ay sheeganayaan Beesha Caalamka.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qaba dareen ah in Xildhibaanada BFS ay fowdooyin la damacsan yihiin fashilinta doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News