Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ka hadlay magaalo dhibaatada ka taagan ay ka kooban tahay fatahado iyo dagaalo qabiileed oo saameyn weyn ku yeeshay dadweyne badan oo ku nool magaaladaasi.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday dhibaatada ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo dagaalo iyo fatahaado ay iskugu darsameen shacabka magaalada Beledweyne eegobolka Hiiraan.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan magaalada Beledweyne inuu si dhow uu ula socdo, islamarkaana dowlada Soomaaliya ay dadaal dheeri ah u gashay sidii dadkaasi loo badbaadin lahaa.
Balse wuxuu Xasan Sheikh Maxamuud qiray in dowlada Soomaaliya aysan qaban intii loo baahnaa, laakiin ay sameysay dadaal loo gurmaday shacabka dhibaatada isku biirsatay.
“Xaalada cakiran ee ka taagan B/weyne waan la soconaa, dagaalo iyo fatahaado daran ayaa halkaas ka jiray beryahan waa nasiib daro, balse dowladu intii karaankeed ah wax badan ayey ka qabaneysaa howshaasna gacanta ayaan ku heynaa inkastoo awoodeena dowladnimo aysan gaarin heerkii waxqabad ee loo baahnaa” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe si maamulkaasi uu kaga qeyb qaato arimaha doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaaliya, iyadoo labo bil kaliya dowlada u dhiman tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

