32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan oo soo saaray hanjabaad ku wajahan doorashada 2016

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay dhaqamada cusub oo ay ku dhaqmayaan dadka u hanqal taagaya Siyaasada iyo amni darro laga abuuro magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan waxa uu tilmaamay inaan u asxaan fali doonin cida isku dayda inay carqaladeyso hanaanka doorasho ee Somalia, waxa uuna cadeeyay in Ciidamada amaanka ay siin doonaan awaamiro lagu xakameyn doono dadka shacabka iyo kuwa aan raaliga ka aheyn xasiloonida dalka.

”Waan ku celineynaa mar kale cidii isku dayda inay carqaladeyso amniga magaalada waxaan ku ciqaabi doonaa waxa uu sharciga qabo cidna indhaha kama qabsan doonto”

”Haddii ay jiraan dad doonaaya inay galaan loolanka doorashada waxaa u furan inay raadiyaan wadooyinka lagu gaari lahaa loolankooda, haddii ay jiraan dano kale anagu taa qaadan meyno”

Madaxweyne Xassan waxa uu ka digay in Siyaasada Somalia loo adeegsado dano arbushaad ah waxa uuna ballan ku qaaday in dadka noocaasi ah ay la kulmi doonaan caqabado.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan Siyaasado iska soo horjeeda oo sababi kara amni darro ku imaada magaalada Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News