32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cabdi Weli Gaas oo Muqdisho ka soo degay iyo jeedkuu u socdo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia goordhow soo gaaray Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminaayo.

Wafdiga socdaalka ku wehlinaaya Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee maamulka, waxaana lagu wadaa in Wafdigaasi ay magaalada Muqdisho uga qeybgali doonaan shir madaxda Soomaalida uga furmaya Muqdisho kaasi oo ay uga hadlayaan qaabka doorashada loo qabanayo, maadaama madaxdu ku heshiiyeen go’aankii uu madaxweyne Xasan Shiikh kasoo saaray doorashada.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu furi doono Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale ku casuuman shirkaasi Madaxda kale ee maamul Goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Shirkaani ayaa waxaa lagu dajin doonaa Jadwalka doorashada ee sanadka lagu galayo.

Sidoo kale, Shirka ayaa furmi doona maalmaha soo socda, waxaa la filayaa in wixii kasoo baxa lagu saleeyo doorashada.

Dhanka kale, waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo la filaayo inuu ka dhici doono shirar kala duwan oo ku saleysan arrimaha doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News