28.2 C
Mogadishu
Friday, April 10, 2026

R/W CC oo loo diiday inuu tago magaalada Dhuusamareeb..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo wafdigiisa ay ka baaqdeen Safar ay ku tagi lahaayen magaalada Dhuusamareeb.

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa dib u dhacay xili Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku diyaarsaneyd diyaaradii qaadi laheyd Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa, waxaana sidaa lagu hakiyay safarka.

Warar hoose oo ay heshay shabakada Caasimada Online ayaa sheegaya in dib u dhaca safarka Ra’isul wasaaraha dalka ay sabab u tahay kadib markii maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ay Ra’isul wasaaraha ku amreen inuu iska soo reebo Wasiirada iyo Xildhibaanada ku wehlin lahaa socdaalka.

Ahlusunna ayaa goor danbe Ra’isul wasaaraha ku wargalisay inaanu kasoo degi doonin magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna cadeeyen inay qaabili doonaan kaliya Ra’isul wasaaraha iyo Wafdiga IGAD.

Wasiirada ay Ahlusunna mamnuucday ayaa waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa hadda ka socda dadaalo lagu doonaayo in maamulka Ahlusnna ay ogolaato inay aqbasho Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa oo aan kala harin.

Dhanka kale, dib u dhaca Ra’isul wasaaraha ayaa saameyn ku yeeshay Wafdi ka socda IGAD oo qeyb ka ahaa socdaalka Wafdiga gaari doona magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News