Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax khasaaro kala duwan uu ka dhashay ayaa waxaa maanta lagu weeraray ciidamada ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ciidamada lagula eegtay deegaanka Yurkud oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa waxaa ku gubtay mid ka mid ah kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidamada ethiopia, waxaana la sheegayaa inuu halkaasi ka dhashay Khasaare.
Sidoo kale, Qaraxa ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray laba Askari ethiopian ah oo la soctay gaariga uu Qaraxa gubay, iyadoo halkaasi looga qaaday garaab ahaan.
Maamulka Gedo kama aysan hadal Qaraxa iyo saameyntiisa, waxaana ciidamada la Qarxiyay u gurmaday ciidamo ka tirsanaa maamulka Gedo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

