Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu soo waramayaa in Caawa Madaxtooyadda Somalia uu ka socdo shir Seddex geesood ah oo u dhexeeya Madaxda DFS, Maamul Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan Wakiilada Caalamka ka jooga Somalia.
Shirkaani ayaa lasoo warinayaa in hordhac uu u yahay mid la filaayo in maalinta Beri ah uu ka furmi doono magaalada Muqdisho kaasi oo ay isku arki doonaan Madaxtooyada iyo Madaxda maamulada dalka.
Shirka Caawa ka socda Villa Somalia ayaa waxaa looga arrinsanayaa maqaamka lasiin lahaa Gobolka Banaadir iyo qaabka loo qaban lahaa doorashada dalka.
Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh, Ra’isul wasaaraha ayaa ku doodaaya in lagama maarmaan ay tahay in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare.
Madaxweynayaasha Gobolada Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland, ayaa ka biya diidan in dib loo faragaliyo heshiiskii laga soo saaray madasha wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo xiray magaalada Muqdisho.
Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa isku dayaaya inay ka madax-banaanaadan muranka Puntland iyo Jubbaland ay ka dhalinayaan shirka, waxa ayna codad dhaadheer ku sheegayaan in labadaasi maamul Goboleed ay isku dayaan inay la jaanqaadan wakhtiga la taagan yahay.
Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxa ay Caawa soo jeediyeen in Gobolka Banaadir lasiiyo matalaada aqalka sare, Balse waxaa jira ismari’waa ka taagan dhanka Jubbland iyo Puntland.
Kulanka Madaxda DFS iyo kuwa Gobolada ayaa la doonayaa in Caawa laga soo saaro is afgarasho si maalinta Beri ah uu u furmo shirka iyadoo lawada aaminsan yahay hal mowqif.
Ma cadda waxa Caawa kasoo bixi doona shirka iminka ka socda Villa Somalia, waxaase loo badinayaa in Isfahan’waa uu kusoo dhamaan doono, maadaama ay Beesha Caalamka isha ka daawaneyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

