28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Axmed Madobe oo sheegay arrin uu ku farxay XASAN SHEEKH.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka la filaayo in maanta oo Axad ah ka furmi doono magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaasi oo ay ku dhanyihiin maamulada dalka ka jira kuwooda sharciyeysan.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay qaadato wax waliba oo muujin kara midnimada iyo in Somalia ay ka gudubto is faquuqa IWM.

Waxa uu sheegay in shir waliba oo ay isugu imaadaan Soomaalida uu ujeedkiisu yahay in lagu abuuro jawi wacan oo ka duwan kan iminka ay ku jirto Somalia, waxa uuna carabaabay in Jubbaland ay qaadan doonto waxa ay u aragto in Somalia ay ku hanaqaadi karto.

Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in fooda ay kusoo heyso xiliga doorashada, sidaa aawgeedna laga fiican yahay khilaaf iyo muran, loona baahan yahay in laga tashto masiirka Umadda Soomaaliyeed.

“Haddii lagu heshiiyo in Gobolka Banaadir lasiiyo maqaam gaar ah, dabcan anagu kama soo horjeedno wixii lagu heshiiyo, balse waxaa muhiim ah in nalagu qanciyo sababaha loo faragalinaayo Heshiiska haddii aan ku qanacno baahida jirta diyaar ayaan u nahay inaan aqbalno”

Madoobe waxa uu ka dhawaajiyay in ilaa iyo hadda ay la’ yihiin wax ay ku qancaan balse haddii ay helaan wax ay ku qancaan ay qaadan doonaan.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta oo Axad ah ka furmi doona shir wadatashi ah oo looga tashan doono qaabka doorasho iyo in Gobolka Banaadir lasiiyo maqaam u gaar ah.

Lama saadaalin karo waxa kasoo bixi doono shirka waxaana socda dadaalo lagu qancin doono maamul Goboleedyada saaxiibka u noqday Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News