Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhamaadka bisha Agoosto ee sanadkaan lasoo dhisi doono xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee badalaya xildhibaanada haatanw aqtiga uu ka dhamaanayo.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo la hadlayay raadiyaha qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in 20 bisha Agoosto l;a doonaya in si rasmi ah loo helaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee badalaya kuwa haatan dhisan.
Xasan Sheikkh ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya sidii ay horey u balanqaaday marnaba ku darsan doonin hal maalin waqtigii lagu balamay ee ah dhamaadka bisha Agoosto.
“Ilaa iyo hada waxaan ku qanacsanahay inuu waqtigeena dhamaanaayo 20-Bisha August Baarlamaanka bedelaya Baarlamaanka hada jooga inuu joogo ayaa nalaga rabaa waxa sharciga ahna waa taasi.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlaayay Tv-ga Dowladda.
Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in kaliya 90 maalmood ay kaga harsan tahay xiliga Doorashada dhaceysa sanadkaan, sida uu sheegay Maxamed Cumar Carta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqisho
[email protected]

