28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Gaas: Xasan Sheekh mustaqbalka dalka waxa uu ka dhigay cayaar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si cad u diiday in la khilaafo Heshiiska lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ku celcelsheen inaan wanaag ku jirin in marba dhinac loo wareejiyo Heshiiska wadatashiga ee lagu saxiixay Muqdisho, waxa uuna tilmaamay inaan aqali doonin in Masiirka Umadda Soomaaliyeed mugdi la galiyo.

Gaas waxa uu tilmaamay in Puntland aysan ku dhiiraneynin in mar qura ay baalmarto sharci u degan dalka, balse taa looga baahan yahay inay sameyso Dowlada oo uu sheegay in looga fadhiyo inay hagaajiso khaladaadka jira.

“Puntland wey ku adag tahay inay aqbasho Heshiis mar hore la saxiixay in wax laga bedelo waayo waxa ay taasi horseedi kartaa in dib uu u dhaco Hanaanka hormarineed ee Somalia”

“Heshiis la saxiixay haddii ay Dowladu ku dhiirato inay faragaliso oo ay Muqdisho kusoo darto aqalka sare micnuhu waxa ay ka dhigan tahay sharciga waxaa ka weyn sharci darada”.

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in nasiib darro uu u arko in Madxaweynaha Qaranka uu sida uu doono u maamusho Heshiisyada la keydiyay ee la doonaayo in loo maro Hanaanka doorasho.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulada dalka ay ku qancin doonaan in wax ay wada ogyihiin lagu kordhiyo Heshiiska ama laga dhimo, waxa uuna qeexay in shirka maanta oo Axad ah ka furmi doona magaalada Muqdisho uu qeyb ka noqon doono ka doodista maamuska gaarka ah ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News