31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Xasan oo hantiyey Jawaari iyo qorshihii xildhibaanada oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee waqtiga kasii dhamaanayo ayaa weeraray afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya o uu sheegay inuu gabay shaqadii laga doonayay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in afhayeenka baarlamaanka uu joojiyay kulamadii xildhibaanada ay ku yeelan jireen dhismaha baarlamaanka islamarkaana uu la saftay Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay in Jawaari laga doonayay inuu sii ambaqaadaa kulamada baarlamaanka, maadaama madaxweynaha uu awood u sheegtay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya taasi oo qasabtay in laga wareejiyaa hishiiskii xildhibaanada muddada horyaalay.

“Jawaari wuxuu gabay howshiisa, wuxuuna la saftay Madaxweynaha, arrintaas wax buu ka ogaa marka uu leeyahay labo berry ha nala siiyo, waxay aheyd arrin hoos laga maleegayay waxa sharci darrada ee la waday, Madaxtooyada, isaga iyo Beesha Caalamka ayaa arrintan ujeedo ka lahaa”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Wuxuu caqabad kale xildhibaanka ku tilmaamay in afhayeen Jawaari uusan wali furin kulamada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibaanada uu sheegay iney howlo badan horyaalaan.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka illaa iyo hada Baarlamaanka ma furin, taas ayaa caqabad kale ah, marka habsamidii la rabay looma maray, Baarlamaanka arrintan labo isbuuc ayuu heystay ee afar sano ma heysan, wax hada la wadana waxaa la rabaa qaladii la galay in gadaal laga xalaaleeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Caasimada Online|
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News