Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda shirka wadatashiga Qaran ee lagu meelmarinaayo maqaamka uu yeelan doono Gobolka Banaadir ayaa waxaa lasoo sheegaya in wali shirkaasi uu yahay mid uu ka taagan yahay ismari’waa.
Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland oo daqiiqado un ka hor leysugu geeyay qol gaar ah si ay go’aan isbedel leh usoo gaaran ayaa iminka dib ugu soo laabtay madasha uu shirka ka socdo.
Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ayaa muujiyay isbedel aan sidaa u buurneyn waxa ayna soo bandhigeen tirro aad u yar oo la sheegay in lagu qancinaayo dadka degan Gobolka Banaadir, waxaana si wada jir ah arrinkaasi uga hor imaaday Madaxda DFS iyo Beesha Caalamka.
Shirka ayaa iminka maraaya meel xasaasi ah waxa ayna Wakiilada Beesha Caalamka ku qeyla dhaaminayaan in lasoo xiro shirka oo guul laga gaaray islamarkaana leysku tanaasulo.
Warar hoose ayaa sheegaya in la isku mari la’yahay soo jeedin ku aadan in Muqdisho ay ku yeelato 8 xubnood aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Xubnaha 8-da ah ayaa la sheegay in qorshuhu yahay in 4 ka mid ah ay yeelanayaan beelaha ugu badan ee degan Caasimadda Muqdisho halka 4-ta kale loo qoondeeyay beelaha Soomaaliyeed ee kale.
Tiradaani lasoo bandhigay ayaa waxaa kasoo horjeeda Puntland iyo Jubbaland oo sheegay inaanu u cuntameynin tirada intaa la eg.
Tani ayaa kusoo beegmeysa xili Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaa horay isku raacay hanaanka doorashada Madaxtinimo ee dalka , kaas oo uu xeer Madaxweyne ku dhaqan geliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

