28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Hadliye oo ku dhawaaqay go’aan ay shacab badan dhibsadeen..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – C/salaam Cumar Hadliye oo ah Wasiirka Arimaha Dibada Somalia ayaa ka shanqariyay in Wasaaradiisu ay dadaal ku bixineyso sida Kumanaanka Qaxootiga Somalida ah ee dalka Kenya ku nool dib loogu sooo celin lahaa Somalia.

Hadliye waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay go’aan cad ka gaartay Qaxootiga sidaa aawgeed aysan ka raali noqon doonin in Qaxooti Soomaaliyeed ay kusii sugnaadan dalkaasi.

Wuxuu sheegay si sharafi ay ku jirto inay doonayaan in dalka dib ay ugu soo noqdaan Qaxootiga, isaga oo sheegay in markasta Dowladda Somalia ahmiyad ay siinayso arintaasi.

Waxa uu sidoo kale, tilmaamay in labadii sano ee la soo dhaafay ay dalka dib ugu soo noqdeen 1,2000 (Boqol iyo Labaatan kun) oo Qaxooti Somali ah.

Waxa uu intaa ku daray inay ku qasban yihiin in xeelad ama awood ay kusoo celshaan Qaxootiga cidii diidana ay is arki doonaan Dowlada Kenya.

Hadalka Hadliye ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan jirin qorshe cad oo Xukuumadda ay ugu talo gashay dadka Qaxootiga ah ee dalka dib ugu soo noqonaya, deeganada ay degi lahaayeen iyo suggida ammaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News