27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Daawo Sawirada: Turkey oo basas waaweyn ugu deeqay SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa Somalia ugu deeqday Gaadiid nooca loo yaqaan Basaska oo loo adeegsan doono daabulida Ciidamada iyo duruufaha gaarka ah.

Basaskaani loogu deeqay Somalia ayaa waxaa loogu tallo galay in Ciidamada Militeriga lagu geeyo goobaha furumaha waxaana sidoo kale loo isticmaali doonaa xiliyada ay ciidamada isbedeli doonaan shaqooyinka.

Gaadiidkaani ayaa waxaa sidoo kale wax ku leh Ciidamada Boliska Soomaaliyeed oo iyaguna lagu kala geyn doono goobaha shaqooyinkooda.

Heshiiska Gaadiidkaani ayaa waxaa dhanka Dowlada Somalia u saxiixay Danjiraha Somalia ee dalkaasi u fadhiya C/llahi Sambaloolshe.

Deeqda Gaadiidkaani ayaa kusoo aadeysa xili Dowlada Somalia ay baahi saa’id ah u qabto helida gaadiid noocaasi ah, inkastoo Dowlada Turkiga ay walaac ka qabto in gaadiidkaasi loo adeegsado qaabab khaldan.
1

2,

3

4

5

- Advertisement -

Read more

Local News