27.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

XOG: Madaxweyne XASAN oo u digay una hanjabay Boorsaani

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) uu uga digay in xasarad uu ka dhex dhaliyo Madaxtooyada, Odayaasha dhaqanka Gobolka iyo dadka deegaanka ku ah Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa Boorsaani u sheegay in Madaxtooyada ay dadaal ugu jirto sida lagu qancin lahaa dadka dega Gobolka Banaadir, balse isaga looga baahan yahay inuu qaboojiyo Siyaasada oo uusan horseedin xasarad cusub.

Xassan waxa uu Boorsaani uga digay Banaanbaxyada ka dhanka ah Dowlada kuwaasi oo awood lagu siinaayo dadka dega Gobolka Banaadir, islamarkaana sabab u noqon kara in Odayaasha dhaqanka Gobolka ay caqabad ku noqdaan geedi socodka.

Xassan waxa uu sheegay in dadka Gobolka Banaadir aysan heli karin waxa aysan usoo dhicin dowlada sidaa aawgeed looga baahan yahay inaanu iska horkeenin Dowlada iyo dadka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, kale Xassan Sheekh ayaa inta uusan u socdaalin dalka Kenya Boorsaani u sheegay in wixii khuseeya arrimaha Gobolka Banaadir uu si hoose kala hadlo Madaxtooyada isaga oo aan adeegsan Saxaafada ama banaanbax.

Haddalkaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen banaanbaxyo jiifka ka toosiyay Odayaasha Gobolka Banaadir, taa oo sabab u noqotay caqabado hor leh oo dhexmaray Dowlada iyo Odayaasha Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News