Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa shaki weyn gelisay askartii dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho iyaga oo iibsanaya agabka loo keeno ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada dow,ada Uganda Pandy Ankunda oo warbaahinta Uganda la hadlay ayaa sheegay iney baarayaan eedeymaha loosoo jeediyay ciidamada dowlada Uganda ka tirsan ee la qabtay iyaga oo iibsanaya shidaalka iyo agabka kale ee AMISOM logu talo galay.
Wuxuu sheegay in baaritaanka ay sameynayaan uu yahay mid ay ku xaqiijinayaan eedeymaha loo jeediyay ciidamada Uganda u dhashay ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaasi oo la qabtay iyaga oo cadeyn lagu hayo agabka ay iibsanayeen.
“waxaan ku wadnaa baaritaan dheer sababta keentay arintaas hadii danbi lagu helo waxaa la marsiin doono sharciga, waa xaqiiqo in ay wajihi doonaan ciqaab adag,wax la aqbalikaro mahan falkaas oo kale waan ka xunahay” ayuu yiri Col. Paddy Ankunda.
Horay waxaan dhacdaan ugu hadlay ururka Midowga Afrika oo sheegay in ay tahay wax lagu xumaado ayna baaritaanada lagu hayo askartaas ka qeyb qaadan doonaan.
Dhawaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay askar ka tirsan ciidanka AMISOM ku waa soo kasoo kala jeeda dalalka Uganda iyo Burundi, waxaana lagu eedeeyay askartaas in ay Muqdisho ku dhex iibinayeen agab loogu talagay ciidanka AMISOM.

