Luuq (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya lagu weeraray guri uu leeyahay oo ku yaala degmadaasi.
Kooxo hubeysan ayaa waxaa la sheegayaa in guriga xildhibaanka ay ku weerareen bam gacmeen khasaaro geystay, kaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad guriga ku sugnaa.
Guriga la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaan Shaacir Maxamed Xasan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku sugnaa maalmihii ugu dambeysay degmada Luuq.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhaawacmeen bam gacmeedka gurigiisa lagu weeraray xildhibaan Shaacir, waxaana ilaalada guriga kadib la sheegay iney rasaas badan fureen.
Horay ayaa sidaan oo kale Guri uu ka dagan yahay Degmada Baled-xaawo lagu Weeraray Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan oo asna ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Gedo
[email protected]

