25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog cusub: Muqdisho Stadium oo lagu arkay arrin ka yaabisay DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in ciidamada AMISOM kuwooda ka howlgala Stadium Muqdisho ay halkaasi ka sameysteen Xabsiyo lagu ganacsado.

Wararku waxa ay sheegayaan in gudaha Stadium Muqdisho lagu dhex arkay Xabsiyo qarsoodi ah oo ciidamada halkaasi ku sugan ay lacago madax furasho ah kaga qaatan dadka shacabka oo ay ku qabtaan howlgalada agagaarka Stadium Muqdisho ka dhaca.

Xabsiyada qarsoodiga ah ee ku dhex yaal Stadium Muqdisho ayaa waxaa leysaga daayaa keliya dhaqaale waxa uuna dhaqaalahaasi ka dhexeeya labada Taliye ee maamusha ciidamada ku jira Stadium Muqdisho.

Qeybo kamid ah Garoonka ayaa waxaa lagu dhex arkay godod aad u dheer kuwaasi oo lagu rido Meydadka dadka shacabka ah oo ciidamadaasi ku qabtaan howlgalada gaarka ah, waxaana jira in dhalinyarada qaar ay ku dilaan rasaas ama jir dil kadibna ku ridaan gododkaasi, sida uu xaqiijiyay mas’uul booqday Stadium Muqdisho.

Gododka ku dhexyaal Stadium Muqdisho ayaa waxa xili hore uu biyo mareen u ahaa dhammaan daadka kasoo hoobta Garoonka iyo Xaafadaha ku dhow dhow, hayeeshee waxaa iminka muuqaneysa in DFS iyo Caalamkuba uu arrintaani indhaha ka qabsanaayo.

Sababta ugu weyn oo ciidamada AMISOM looga saari la’ yahay Stadium Muqdisho, ayaa arrintaani la xiriirta waxaana suuragal ah in kabixitaankooda uu wakhti badan qaato.

Dhanka kale, Dowlada Somalia ayaa ku fashilantay inay kala ilaaliso shacabkeeda iyo ciidamada Afrikaanka ah ee howlgalada la siyaasadeeyay ka dhex wada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News