Xog: Waa kuma taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugida NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar isa soo taraya oo aan ka heleyno ayaa sheegaya in taliyaha NISA Cabdiraxmaan Tuuryare la filayo in xilka laga qaado, laguna beddelo nin lagu magacaabo Xuseen Darwiish.

Saaxiibo aad ugu dhow Xuseen Darwih, ayaa sheegay in muddo dhow lagu wado in loo magacaabo taliyaha ciidanka nabadsugidda qaranka ee NISA.

xusenWarar ku saabsan xil ka qaadista Tuuryare aya aad loo hadal hayey muddo sanad ku dhow, ayada oo hay’addu ay noqoto mid gaabis uu ka muuqdo, weeraro dhowr ahna lagu qaaday hoteello ku yaalla Muqdisho.

Saaxiibo aad ugu dhaw Xuseen Darwiish, ayaa Caasimada Online u sheegay in dhammaadkii bishii hore ee May uu xildhibaan Faarax Cabdulqaadir uu Xuseen uga yeeray dalka USA, uuna tagay Muqdisho.

Xuseen ayaa beel ahaan ka soo jeeda beesha Habargidir ee Ceyr, waxaase abti u ah sida ay sheegeen saaxibadiis xildhibaan Faarax Cabdulqaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com