28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Maxay WFP ka tiri shaqaalaha laga xiray iyo raashiinkii dhacay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada cuntada Adduunka WFP ayaa ka hadashay raashiinkii dhacay ee shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hayada waxay sheegtay ineysan hubin in raashiin dhacay ay usoo dirtay gudaha dalka Soomaaliya balse ay baarayaan raashiinka shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee loo waday gobolka Gedo.

Ciidamada booliska garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa shalay xiray shaqsi kamid ah shaqaalaha hayada oo la socday raashiinka kaasi oo doonayay inuu geeyo degmooyinka Baardheere iyo Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Layla Cali oo ka tirsan hey’adda WFP ayaa u sheegtay wakaalada Wararka SONNA in WFP aysan hubin raashin waqtigiisa dhacay oo ay u soo dirtay Soomaaliya,balse waxa ay sheegtay iney baarayan in raashinkooda si khaldan loo keydiyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney guri wasiiro ah u saarayaan raashiinka dhacay ee hayada WFP leedahay iyo baaritaanada la xiriira, sida uu sheegay taliyaha hogaanka canshuuraha ee dowlada Generaal Xasan Bariise.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News