Puntland oo diidan in Muqdisho lagu qabto doorashada, xagee?

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxtooyada maamulka Puntland ay ololo lixaad leh ugu jirto sida doorashada madaxtinimada looga wareejin lahaa Muqdisho.

Puntland ayaa dooneysa in doorashada dalka loogu qaban lahaa magaalada Garoowe.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu arrintaani ugu jiro dadaal xoogan waxa uuna wakhti badan galinayaa in doorashada lagu qabto deegaanada maamulka.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in C/wali Gaas uu arrintaani cod uga raadinaayo Jubbaland iyo maamulada kale ee dalka, inkastoo Galmudug ay arrintaasi kasoo horjeedo.

Puntland ayaa carqalad ku heysa Siyaasada Somalia, waxa ayna mar waliba danta guud ka hormarisaa tan gaar ahaaneyd, waxa ayna tani ku dooneysaa inay ku siyaasadeyso damaceeda Siyaasadeed.

Madaxweynaha Somalia Xassan Xassan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka Somalia ayaa horay uga biya diiday in doorashada Somalia laga wareejiyo magaalada Muqdisho.

Xassan ayaa ka hor imaaday in goobaha lagu qabanaayo doorashooyinka dalka ay sugaan ciidamo taabacsab Puntland.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono inkastoo Dowlada Somalia ay si cad kaga soo horjeedo dareenka muujinkara in Puntland ay marti galiso doorashada.