Xog cusub oo laga helaayo kiiska Faarax C/qaadir ee Xuuthiyiinta

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowlada Jabuuti oo garabsaneysa Sirdoonka Dowlada France ka jooga dalkaasi ayaa waxa ay wali ku howlan yihiin baaritaanka Markabkii siday shixnada gargaar ee u rarnaa Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation.

Kabtanka wada Markabka MV-LIBERTY, ayaa la sheegayaa in Dowlada Jabuuti uu ku wareejiyay cadeymo iyo liis dheer oo ay ku qoron yihiin mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Dowlada, waxaana ugu horeeya Faarax C/qaadir.

Kabtanka ayaa sheegay in ninka magaciisa lagu soo kireeyay Markabka oo lagu magacaabo Faarax C/qaadir uu ahaa isku xiraha Xuthiyiinta iyo Hay’adda Islamic Charity Foundation.

Waxa uu sheegay in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu xubin aad u firfircoon ka yahay Islamic Charity Foundation, sidaana uu ugu dhiiraday in Markabka uu u diro Xuthiyiinta.

Kabtanka oo wali ku jira gacanta Dowlada Jabuuti ayaa sheegay in soo bixitaankiisa ka hor ay wada hadleen Xildhibaan Faarax, balse uu iminka maqal ku heysto in Faarax uu arrintaani iska fogeeyay.

Kabtanka waxa uu intaa raaciyay in Dukumiintiyo farabadan looga soo tagay Dalka Kenya kuwaasi oo cadeynaaya kiiska shixnada Markabka.

Dowlada Jabuuti ayaa xogo hordhac ah ku heshay in Hay’adda Islamic Charity Foundation ay aasaaskeedu lahaayen mas’uuliyiin iminka ka tirsan Dowlada Somalia oo uu ku jiro C/kariin Guuleed.

Waxaa wali socda Baaritaano waxaana xog buuxda laga helay in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu mas’uul ka ahaa inta badan howshaani lagu quudinaayay Kooxda Xuthiyiinta.

DFS ayaa ka gaabsatay Fadeexadaani waxaana jira xiriiro is daba joog ah oo u dhexeeya DFS, Yemen iyo Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com