27.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Ciidamo la dagaalama maamulka Cabdi Weli Gaas oo la diyaariyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ee Puntland C/Samad Maxamed Gallan oo wareysi siinayay warbaahinta Puntland ayaa si toos ah u weeraray maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay C/Welli Gaas.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Puntland in taladii degaanada Puntland uu isaga isku koobay, marka loo eego amaanka, ciidamada, siyaasada iyo dhanka dhaqanka, sida uu sheegay Mr Gallan.

Awood Qeybsiga deegaanada Puntland ayuu sheegay in madaxweyne Gaas uu ka dhigay dad gaar ah iney leeyihiin, wuxuuna ka digay in xaalada haatan ay kasii xumaato, sida uu hadalka u dhigay.

Gallan wuxuu beeniyay in kacdoon uu ka wado deegaanada Puntland isaga oo dhaqaalo ka qaatay dowlada federaalka Soomaaliya, wuxuuna arintaasi ku tilmaamay qorshe siyaasadeed ay ka dambeeyeen maamulka C/Welli Gaas.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay ciidamo badan oo isaga uu urursaday oo uu sheegay in ujeedada ka dambeysa diyaarinta ciidamadaasi ay yihiin difaacida deegaanada Puntland haddii sida haatan wax ku socdaan haddii ay sii socdaan.

“Ciidamada waxaa keenay waad og tihiin in la igu soo weeraray gurigeysa Boosaaso oo alle naga badbaadiyay, waxaan ciidamadan u diyaariyay in maamulka Puntland looga difaaco waxii dhibaato ku keenaya, haddii xaalada sidan sii ahaatana ay la dagaalamaan C/Welli Gaas iyo maamulkiisa”ayuu yiri Mr Galan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News