Kenya oo kiiska dacwada badda Somalia kasoo saartay war cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa sheegtay iney diyaar u tahay iney dacwadii dhanka badda la gasho dowlada Soomaaliya, maadaama dowlada Federaalka ay dacwadaasi geystay magaalada Hegue.

Xeer ilaaliyaha qaranka Kenya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dowlada Kenya aysan marnaba ka laaban doonin iney ka qeyb gasho dacwada dhanka badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in si cad ay u og yihiin in Kenya ah leedahay badda murunka ka taagan yahay, wuxuuna sheegay iney diyaar u yihiin iney Soomaaliya la galaan dacwada Badda ku saabsan.

Githu Muigui oo ah xeer ilaaliyaha qaranka Kenya wuxuu sheegay iney guul ka filayaan dacwadaasi, taasi oo la filayo in dhawaan ka furanto maxkamada Hugei.

Githu Muigai ayaa ugu laab qaboojiyey shacabka Kenyaanka in ay si sharci wax ku heli doonaan ayna joogiyaan hadalada iyo sidoo kale warqadaha qoran ee soo gaaraya xeerilaalinta dalka Kenya.

Maxkamada ICG ayaa waxay caddeysay in dacwada oo ku saabsan muranka lahaanshaha Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ay dhagaysan doonto dhageysiga koowaad uu dhacayo Bisha September, waxayna socon doontaa afar maalmood.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com