Xog: Musharaxa kaliya ee Xasan Sheikh uu ka cabsi qabo 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa cabsi xoogan ka qaba dhaqdhaqaaqyahan iyo Nabad u ololeeye ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jabriil Ibraahim Cabdulle inuu kaga taageero badnaado ololaha doorasho ee dhawaan la filaayo in magaalada Muqdisho uu ka bilowdo.

Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa in Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed ku beel ah uu u diray Jabriil Ibrahim Cabdulle si ay kala xaajoodan dib uga laabashada qorshe ah inuu is-sharxi rabo, inkastoo aan la ogeyn waxa arrintaani iska bedelay.

Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa garab ka helaaya dhowr dal oo ay kala dhexeyso howlo shaqo, halka dowladahaasi qaarkood yihiin kuwo kalsoonida kala laabtay Xassan Sheekh iminkana kalsooni siiyay Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaan wali cadeyn mowqifkiisa rasmiga ah, balse waxaa jira warar sheegaya in iclaaminta mowqifkiisa uusan iminka waxba uga baahneyn maadaama uu heysto taageero farabadan.

Madaxweyne Xassan ayaa iminka aad uga walwalsan dhaqdhaqaaqa Jabriil Ibrahim Cabdulle oo kusii xoogeysanaaya gudaha dalka, waxa uuna xooga saarayaa in Jibriil laga laalo rajadiisa ku aadan isa soo sharixitaankiisa.

Ma cadda sida Xassan Sheekh uu ka yeeli lahaa qorshaha uu maagan yahay Jabriil Ibrahim Cabdulle oo isaga ku heeb ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com