“Doorashada Xasan Sheikh waan ku farxay balse sidan kama fileyn”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kamid ahaa wasiirada maamulka Puntland soo qabtay wasaarada waxbarashada ayaa ka hadlay xaalada doorashada Soomaaliya iyo waxyaabaha la fileysan karo.

Cali Xaaji Warsame, oo mucaarad weyn ku ahaa maamulka C.Welli Gaas xiligii uu uu diinayaa nidaamka 4.5 ee doorashada ayaa wuxuu sheegay in doorashada sanadkaan la doonayo iney ku dhacdo si xalaal ah.

Doorashadii dhacday 2012 ayuu sheegay in natiijada kasoo baxday ay la dhacsanaayeen marka loo eego hogaanka xiligaasi la doortay Xasan Sheikh oo ahaa masuul laga filayay inuu is badal badan keeno, balse aysan dhicin.

Wuxuu sheegay in xiligaasi uu ku sugnaa magaalada Boosaaso, waxaana doorashadaasi ku farxay qof walbaa oo Soomaali ah oo fileysanayay inuu dalka isbedel ka imaanayo 2016, laakiin hadda aanan laheyn dhamaan waxyaabaha lagu taamayay laguna taageeray Xasan Sheikh.

“Xiligii 2012 waxaan joogay Boosaaso markii Xasan Sheikh uu kusoo baxay doorashada qof aanan taageerin oo Soomaali ah ma jirin, sababtoo ah waxaa la filayay maadaama dowlad taam ah ay tahay in xiligan dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo ruux kastaa, dastuurka wax laga badalo iyo arimo kale, laakiin ma aysan dhicin”ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in wax wanaagsan uu qabtay markii uu ahaa wasiirka waxbarashada Puntland, haddana uu doonao xilka hogaanka guud ahaan Soomaaliya si uu isbedel kale uu kaga sameeyo dalka.

“Aniga taariiq wanaagsan ayaan sameeyay markaan Puntland wasiirka ka ahaa, hadda waxaan doonayaa in aan Soomaaliya wax ka badalo oo aan hogaanka qabtaa”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com