Guddiga doorashada oo lugaha la galay muran qabiil iyo beelo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Somalia ee gabalkiisu sii dhacaayo ayaa si adag uga hadlay Guddiga doorashada 2016-ka ee uu maalmo un ka hor ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia.

Dalxa oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Guddigaasi uusan sal iyo baar ku laheyn nidaamka ay ku dhisan tahay dowlada Somalia, waxa uuna sheegay inaan loo marin nidaamka ay Soomaalida wax ku qeybsadaan ee 4.5.

Dalxa waxa uu sheegay in inta badan Xildhibaanada iyo Beelaha kale ay dhaliilsan yihiin qaab dhismeedka Guddiga waxa uuna shaaciyay in Guddigaasi uu yahay mid ka fog xaqiiqda iyo cadaalada laga filaayay Madaxtooyada Somalia.

Waxa uu cadeeyay inaan lagu saleyn habka 4.5 taasina ay shaki badan horseedi doonto, waxa uuna Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ku dhaliilay in keliya uu isaga isku roonaaday.

Madaxweynaha qudhiisa ayuu sheegay in siyaasada Somalia uu ugu jiro qaabka ay beelaha wax ku qeybsadaan isaga oona tilmaamay inuu ku joogo 4.5, oo Soomaalida ay ku raali tahay.

Dhinaca kale, waxa uu Dalxa ku taliyay in Madaxweyne Xassan uu la imaado siyaasad raali galin karta musharaxiinta u taagan xilka qaran waxa uuna cod dheer ku sheegay in shakiga ugu badan uu yahay mid ka taagan waxa ay noqon doonto cadaalada ay la imaan doonaan xubnaha Guddigaasi.

Geesta kale, waxa uu ka digay in Guddigaasi lagu shaqeeyo iyada oo aan wax laga bedelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com