Xog: Wasaarada A/gudaha DF oo dhacday 9 gaari oo gargaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Wasaarada ay leexsadeen ilaa 9 gaari oo raashiin looga soo raray Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka siday raashiinka ayaa la sheegay in loo soo waday Wasaarada arrimaha Gudaha si loo siiyo shaqaalaha dowlada, hayeeshee waxaa dhexda ka leexsaday laba Agaasime oo ka tirsan Wasaarada kuwaasi oo ka howlgala dhanka gargaarka iyo gurmadka iyo xubno kale oo ka tirsan isla Wasaarada.

Raashiinka la leexsaday ee laga soo raray Dekada ayaa waxaa loogu tallo galay in deeq ahaan loo siiyo shaqaalaha maadaama aysan qaadan mushaar joogta ah, balse waxa uu gacanta u galay manaxayaal ka tirsan Wasaarada.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in raashiinkaasi xiliga la leexsanaayay ay ku rarnaayen gaadiidka waaweyn ee lagu raro raashiinka.

Leexsashada gaadiidkaasi ayaa muran ka dhex dhaliyay mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada oo uu ku jiro Wasiirka Wasaarada C/raxmaan Odawaa, Ku-xigeenkiisa, Wasiiru dowlaha Wasaarada iyo Xoghayaha joogtada ee Wasaarada.

Khilaafka ka dhashay leexsashada rashiinkaasi ayaa sabab u noqday in bixinta raashiinkaasi uu hakat ku yimaado iyadoo amarka hakinta uu ka imaaday dhanka Wasiir Odawaa.

Ma cadda sida ay Wasaaradu ka yeeli doonto arrintaani xadgudubka iyo musuqa ku ah Wasaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com