26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xog: Cabdikariim Guuleed oo lagu sammeeyey qaliin deg deg ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Delhi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xanuunka uu Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed la yaalo isbitaal ku yaalla Dalka India.

Madaxweyne Guuleed oo maalmo kooban un ku jira Isbitaalka ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa in lagu sameeyay qaliin dhanka wadnaha ah.

Qaliinka lagu sameeyay C/kariin Guuleed ayaa la sheegay inuu yahay mid looga maarmi waayay, waxa ayna xogtu sheegeysaa in qaliinkaasi looga sameeyay wadnaha oo uu ka xanuunsanaa mudooyinkii ugu danbeeyay.

Ilo ku dhow dhow Bukaanka ayaa waxaa laga soo xigtay in Guuleed uu yahay mid caafimaad qaba, islamarkaana la filaayo in maalmaha soo socda dib loogu soo celsho Somalia.

Ilo wareedka ayaa laga soo xigtay in garaaca wadnaha uu ahaa mid aad usii kordhaayay maalmihii ugu danbeeyay islamarkaana garaacaasi saa’idka ah uu barbar socday xanuun nasiinka u diiday Madaxweyne Guuleed.

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadal xanuunka iyo qaliinka lagu sameeyay Madaxweynahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News