Xog: DF Soomaaliya oo ciidamo geysay isbitaalka Deva, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo badanoo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa la dhigay isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho, sida xogaha aan ku heleyno.

Saraakiisha ciidamada horkaceyso ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada la geeyay isbitaalka Xalay Fiidkii, waxaana ujeedada naloogu sheegay in la doono iney ilaaliyaan qalabka isbitaalka yaala, si shacabka aysan ugu dhiiran iney bililiqeystaan.

Isbitaalkaasi ayaa waxuu kamidahaa xarumaha ay maamusho hayada NILE Academy oo dowlada Soomaaliya ay amartay in muddo 7 ah kaga baxdo dalka Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin shaqsigii ka dambeeyay afgambigii Turkiga.

Saraakiisha ciidamada ayaa Caasimada online u sheegay in wasaarada caafimaadka ay ka dalbatay iney tagaan isbitaalka si ay amaanka u xaqiijiyaan ayna kaga hortagaan in dadka ay bililiqeystaan agabka isbitaalka.

Isbitaalka Deva ayaa kamid ah isbitaalada ugu waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho kaasi oo dadweyne badan lagu daweyn jiray, waxaana yaalay qalab casri ah, waxaana haatan go’aanka dowlada ka faa’ideysanaya maamulka Somaliland oo sheegay iney soo dhaweynayaan oo go’aanka dowlada uusan quseyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com