Warancadde oo diiday in Ethiopia uu la shaqeeyo, go,aan ku gaaray..

Hargeysa(Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo xilka wasaaradaasi ku waayay isku shaandheyn uu xalay sameeyay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa iska diiday xil cusub ooloo magacaabay.

Cali WaranCadde oo saxaafada la hadlay ayaa iska diiday inuu noqdo wakiilka maamulka Somaliland ee dowlada Ethiopia, waxaana uu u sababeeyay inuu doonayo inuu ka dhex shaqeeyo gudaha deegaanada Somaliland.

mMadaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Digreetada ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Waran-cade loo magacaabay wakiilka maamulka Soomaaliland u qaabilsan dalka Ethiopia.

Laakiin Waran-cade oo war qoraal ah ku soo qoray Bartiisa Facebooka waxa uu ku sheegay in uusan dooneyn xilkan loo magacaabay.

Mudane Waran-cade ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhaweynayo xilka qaadista lagu sameeyay maadaam laga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha maamulka Soomaaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com