28.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

John Kerry oo Hadliye u sheegay qorshaha USA ee doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka John Kerry oo Booqasho ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada SOomaaliya C.Salaam Hadliye Cumar.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada arimaha dibada dalalka Kenya, Sudan, Uganda iyo wadamo kale oo ku yaala bariga qaarada Africa.

Kulanka gaarka ah ee dhexmaray Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amaanka Soomaaliya, Howlgalka AMISOM iyo doorashada bil kadib la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo.

John Kerry ayaa u sheegay C/salaan Hadliye Cumar in dowlada Mareykanka ay dooneyso in doorasho xor ah ay ka dhacdaa dalka Soomaaliya, sidoo kalana ay daneynayaan in ciidamada AMISOM ay adkeeyaan amaanka Soomaaliya ka hor doorashada dhaceyso.

Dowlada Mareykanka ayuu sheegay iney taageereyso horumarka ka socdo dalka Soomaaliya isaga oo kula dardaarmay madaxda Soomaalida iney sameeyaan wax walbaa oo wanaajin kara horumarka ka socdo Soomaliya.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa dhankiisa mahad celin u jeediyay John Kerry iyo dowlada Mareykanka, oo uu sheegay iney doorweyn ka ciyareen howlgalka AMISOM iyo dhaqaalaha ku baxaya.

Nairobi1-1 Nairobi4-1 Nairobi7-1 Nairobi9-1 Nairobi93-1 Nairobi94

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News