Ahlu-Sunna oo sameysay tallaabo ka careysiin karta Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa xabsiga dhigay odayaal dhaqameed la sheegay iney ku wajahnaayeen magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah  u ah maamulka Galmudug ee C/kariin Guuleed madaxweynaha ka yahay.

Ku dhawaad shan oday dhaqameed oo si weyn loo yaqaan ayaa waxaa la sheegayaa in Ahlu sunna ay ku xirtay deegaanka Bali Howd oo kamid ah deegaanada gobolka Galgaduud hoostaga.

Wararka aan ka heleyno deegaanka odayaasha lagu xiray ayaa sheegaya in odayaasha laga warheley iney ku wajahnaayeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo saldhig u ah maamulka xaruntiisa tahay magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug.

Ahlu sunna oo daliilsaneysa amar ay usoo saartay ayaa sheegay in odayaasha ay xabsiga dhigeen, maadaama horey ay usoo saareen in waxgaradka, odayaasha iyo shacabka ku nool deegaanada ay maamulaan aysan tagi karin magaalada Cadaado.

Odayaasha ayaa wararka waxay sheegayaan iney Cadaado u tagi rabeen arimo la xiriira doorashada xubnaha Galmudug u matalaya baarlamaanka Soomaaliya, maadaama la joogo waqtigii odayaasha xildhibaanada ay soo xuli lahaayeen.

Ku dhawaad 51 ruux ayaa la doonayaa iney soo xushaan xildhibaanka u matalaya doorashada sanadkaan, waxaana talaabada Ahlu sunna odayaasha ay ku xirtay ka careysiin kartaa maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com