Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Qaraxii shalay ka dhacay afafka hore ee Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho uu saameyn lixaad leh ku yeeshay Madaxtooyada Somalia.
Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa ayaa burburiyay dhismooyin kamid ah dhismaha ku dhexyaal Villa Somalia.
Khasaaraha uu Qaraxaasi ka dhex geystay Villa Somalia, ayaa waxaa kamid ah Gaadiid ay lahaayen Madaxda DFS oo burburay, halka dhismooyinka qaarna ay dumeen, sida uu kusoo waramaaya mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Villa Somalia.
Waxaa sidoo kale, khasaaraha Villa Somalia kasoo gaaray Qaraxa kamid ahaa dhaawacyo soo gaaray shaqsiyaad xiliga uu Qaraxa dhacaayay ku sugnaa Villa Somalia kuwaasi oo uu soo gaaray dhaawacyo fudud.
Qaraxa ayaa ahaa mid ka duwan Qaraxyadii hore waxa uuna dad ka dilay meelo ka fogfog goobta uu ka dhacay.
DFS ayaa wada baaritaano ku aadan tanka Qaraxaasi waxa ayna warar hordhac ah sheegayaan in tanka Qaraxaani uu ahaa mid ka tan weyn kuwii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]