Aqalka Sare iyo Puntland “Waryaa harageeda mar nooga celiya”

Hada ka hor ayaa nin ceesaan Riyood soo iib  geeyey, markaas ayaa laga gadan waayey, kadib markii uu soo cel celiyey sagaal maalmood ayaa nin oday ah kula taliyey inuu qalo Rida oo hilibkeeda iibiyo, subaxii danbe ayuu qalay, markii galabtii la gaaray oo cadna laga gadan waayey ayuu yir “war yaa harageeda nooga celiya” Sababtoo ah galabtii ayuu kaxaysan jiray, lakiin hada waa hilbo oo ma qaadi karo.

Dhibaatada ka taagan soo xulista Aqalka Sare ayaa gaartay in la yiraahdo “yaa Aqalka Sare nooga celiya shirarkii Madasha dib ha looga doodee si wax looga badalo qaabka loo soo xulayo ama looba laalo” Sababtoo ah waxaa magaalada Garoowe buux dhaafiyey siyaasiyiin, qurba joog, ganacsato, haween iyo aqoon yahano ka kala yimid daafaha aduunka,  oo xusl duub ugu jira ka mid noqoshada aqalka sare oo tartankiisu ka fudud yahay kan xidhibaanka. Waxaa magaalada ka jira martiqaadyo joogta ah, gawaari la kiraystay, hoteeladii oo buux dhaafay noloshii oo cirka isku shareertay, guriyihii oo qaaliyoobay iyo Riyihii ay Garoowe caanka ku ahayd ayaa maqaayadaha dadka martida ah kula daaranaya cuntada.

Eeg sawirkaan hoose waxa nakala haysta aniga iyo Ridaan baar qabka ah oo aaminsan in Dastuurka Puntland qorayo in ay dadka cuntada la wadaagto.

Waxaa raga u ordaya Aqalka Sare ka mid Siyaasiyiin si aad ah looga yaqaano dalka, sanado badan ku soo jiray siyaasadda, waxaana ka xusi karnaa:

1.    Cabdiraxmaan Faroole,                    Madaxweynihii Hore ee Puntland

2.    Maxamed Siciid Xirsi Morgan,        Wasiirkii hore ee Gashandhiga

3.    Cali Jaamac jangali                             Wasiir Duulista XFS

4.    Xasan Abshir Faarax,                        Xildhibaan,    Wasiir,  RW hore

5.    Cali Xaaji warsame,                           W.Hore ee waxbrashada Puntland

6.    Maxamed Cabdi Yusuf,                    Xildhibaan iyo Halgaamaa SYL

7.    Cawil Hassan Sulaiman                    Wasiirkii Hore ee Maaliyadda

8.    Cabdirsaq Jurille                                 Xildhibaan iyo wasiir hore

9.    Cabdi Ismaciil Giir,                            Wasiir hore xilgii KMG

10. Maxamed Cabdi Xaabsade           Wasiir Hore  Puntland, Somaliland,

11. Sureer Abshir Haamaan                    Ururada Haweenka

12. Canaba Cilmi                                      Ku xigeenka Ururka H. Qaranka

13. Maryan Curubo,                                 Xubin sare ee jaaliyadda Puntland

Tirada wax doonaysa waa boqolaal, waxa la doonayana waa 11 kursi, oo sharciyan uu soo qorayo Madaxweynaha Puntland Dr; Cabdiwali Cali Gaas, lagana ansixinayo Baarlamaanka Puntland, badankooda dadka Aqalka Sare u ordaya waxaa kala dhaxeeya madaxweyne Gaas, xiriir saxiibtinimo,  mid siyaasadeed, mid wada shaqayn iyo mid qaraabanimo, ninkii qalinka madaxweynuhu qoro mooyee kan kale waa dagaal xiiro xiiro ah, waliba waxaa suurta gal ah inuu dagaalkaas yeesho saamayn siyaasadeed ama mid beeleed, beeshii liiska iska weyda waxay u arkaysaa in sad bursi lagu sameeyey, beeshii la siiyana waxay u arkaysaa inu madaxweynuhu ku tala xumaystay nin uu jeebkiisa kala soo baxay, xaalku wuxuu marayaa “nin guran hal uu dheelmay, dhana uma fiyooba”

Talo isuma kaa sheegto, waxaa arintu ku qurux badnayd in Aqalka sare sida Baarlamaanka ay soo magacaabaan Odayaasha dhaqanka ee ka midka ah 135 oday ee la aqoonsan yahay, loona sameeyo tiro cayiman oo soo doorata sida xildhibaanada Barlamaanka, waxaan qabaa in eeda iyo is qabqabsiga hada taagan uu ka yaraan lahaa,  hadiise xaalku sidaan ku sii socda waxaa suurta gal ah in rag saxiib ahaa ay kala dhintaan, isbahaysiyo siyaasadeed oo cusubna ay bilowdaan, kala shakina soo gala qaba’iiilka oo qaarkood ay tirsanayeen dulmi dhanka awood qaybsiga ah.

Dhibaatada ka taagan Aqalka sare maahan mid ku kooban Puntland kaliya, waxay ka dhex jirtaa dhamaan maamulada dalka iyo qaba’ilka Soomaaliyeed, lakiin Puntland waxay dheertahay in ay aad ugu ololaynaysay samaynta Aqalka Sare, dood kasta oo ku aadan in meesha laga saaro aqalka sare Puntland waxay ka taagnayd meel aad u adag, balse maanta waxaa muuqata daruuro shaki iyo mugdi xambaarsan oo dul hoganaya samaynta aqalka sare oo la filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda. Inkasta oo Madaxweyne Gaas dadaalkiisu uu ku qotomo in Puntland loo xulo dad matali kara, iyo ka dhabaynta himilooyinka reer Puntland ee ah in la helo Aqal Sare madaama aqalka hoose lagu qaybiyey 4.5, hadana dadka wax doonaya waxay u arkayanaa hadii ay ka mid noqon waayaan aqalka sare in Madaxweynuhu ku tala xumaystay magacaabida aqalka sare.

Dhanka kale samaynta aqalka sare waxaa sheeda kore kala socda musharixiinta xilka Madaxweynanimo u ordaya, oo dhamaantood quudaraynaya in ay ku soo baxaan rag ay iyagu wataan oo qaarkood laga yaabo in lagu taageeray dhaqaalo faro badan si ay ugu ololeyaan xubintaan oo  tartankeedu uu ka horeeyo bixinta 10,000 $ oo fee ah.

“Qayladii yeertaba qoon ayeeysan uga darin” Dagaalka iyo hardanka Aqalka sare si kasta oo ku dhamaado waxaa dabayl caafimaad maraysaa xubnaha u tartamaya aqalka hoose oo awoodiisa badankeeda ay yeelanayaan Odayaasha dhaqanka, maxaa yeelay waxaa yaraanaysa saamaynta siyaasadeed ee uu ku yeelanayo maamulka Puntland oo daal iyo dagaal qaraar ka soo maraya magacaabida Aqalka sare.

Isku soo duubo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayaa sugayaa Hooyada Federaalka Soomaaliya in ay ku dhawaaqdo Aqalka Sare iyo saamaynta ka dhalan karta ku dhawaaqida ka dib, Reer Puntland waa dad lagu yaqaano isu tanaasul dhanka siyaasada ah,  waxaan ku boorinayaa hadii uu soo baxo liiska 11 xubnood in lagu taageero madaxweynaha madaama aad u wakiilateen inuu soo xulo xubnaha ka mid noqonaya, waxaana tusaale u noqonaysaan maamulada iyo qaba’ilada Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq

W/Q: Diraac Salaad Fagaase

Lataliyaha Wasiirka Maaliyadda ee dhanka Saxaafada ahaana Agaasimihii hore ee Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Email: dhoodi222@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com